Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatey qaar kamid ah dhalinyarada iyo taageerayaashiisa

0
77

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa kala hadlay doorkooda ku aadan dib u dhiska dalka, adkeynta dowladnimada, hoggaaminta iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha oo ka jawaabay Su’aalo ay weeydiiyeen dhallinyaro la soo aruuriyay oo kamid ahaa taageerayaasha dowlada ayaa tilmaamay in dhallinyaro badan oo ku xirnaa Xabsiyo shisheeye ay dowladdu dib ugu soo celisay dalka, kuwaas oo haatan sharaf iyo karaamo ugu nool dalkooda, qeybna ka ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee u taagan in ay mustaqbal wanaagsan u horseedaan dalka iyo dadka.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta dhallinyarada ee hoggaaminta hay’adaha dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida, taas oo lagu xaqiijinayo qorsheyaasha ku qotoma xaqiijinta dowlad Soomaliyeed oo horumarsan, ilaalisana madax-bannaanideeda iyo Sharafka shacabkenna.

Kulankan ayaa ahaa mid albaabada u xiran oo waxaa la diidanaa inay fakadaan jawaabo hadhow hadal heyn dhallin kara, maadaama kii kan ka horeeyay ay isbeddeleyn dadkii la soo xulay oo madaxweynaha weydiiyay su’aalo aan la filayn taasoo ku adkaatay madaxweynaha inuu ka jawaabo