Wasiirka Wasarada Maaliyada oo Kulan La Qaatey Safiirka Dalka Sweden

0
62

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Muqdisho waxaa uu ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen Arrimo ay kamid ahaayeen isbadalka Maaliyadda iyo taageerada ay siiso Dowladda Federal ka Soomaaliya, sida uu sheegay Wasiir Beyle.

Dowladda Sweden ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada siiya Soomaaliya, waxaana inta badan Safiirkooda uu la kulmaa Madaxda kala duwan ee dowladda, isaga oo kala hadla arrimaha taageerada Soomaaliya.