Wasiirka Wasaarada Boostada oo Ka Hadley Cilad Ku Timid Adeega Internetka Somaliya

0
72

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay cilad dhanka farsamada ah oo manta ku timid qadka Internetka Soomaaliya, taasoo sababtay in qaar ka mid ah Shirkaddihii bixin jiray Internetka aysan manta shaqeyn.

Wasiirka Boostada iyo Isgarsiinta xukuumadda Soomaaliya ENG Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay xalinta cilada.

War kasoo baxay Wasiir Canshuur ayaa Siddaan u qornaa:

Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taasoo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.