Maamulka Puntland oo Maanta Xukun Dil ah Ku Fuliyey Nin Diley Hooyadiis

0
91

Maxkamadda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo lagu eedeeyey inuu horey si arxan darro ah ugu dilay hooyadiis oo lagu magacaabi jiray, Xaawo Jaamac Cabdulle.

Toogashada ayaa ka dhacday bartamaha Garoowe, waxaana goobta ku sugnaa ehellada marxuumadda, saraakiil ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka Puntland.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Caagane lagu helay dambiga dilka ah ee lagu soo eedeeyey, islamarkaana lagu xukumay dil, kaas oo maanta lagu fuliyey.

Dhacdada dilka ah ee uu hooyadiis u geystay, Faarax Cabdi Caagane ayaa saddex bil ka hor ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Jalam oo ka tirsan gobolka Nuugaal.