
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegtay in tallaabada dowladda Mareykanka ay Ciidankeeda ugala baxayso Somaaliya inay khatar gelinayso abaabullada amniga ee lagula dagaallamayo argagixisada .
Dowladda Kenya ayaa xustay in ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ay qeyb weyn ka geysteen hakinta weerarada Al-Shabaab ee Kenya.
Xoghayaha guud ee wasaaaradda Arrimaha dibada Kenya Kamau Macharia ayaa sheegay in Kenya ay mudooyinkii la soo dhaafay la kulantay dib u dhac xoog leh oo dhanka maalgashiga ah iyo dib u dhac dhaqaale kadib weeraradii argagaxisada ee xiriirka la lahaa Al-Qaacida.
Hadalka Macharia ayaa kusoo beegmaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ciidamada mareykanka ee ku sugan dalkasomaliya ay ka baxayaan.