Madaxweynihii Hore ee Somaliya oo Sheegay Inay U Diyaar Garoobeen Doorashada

0
82

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta mucaaradka ay u diyaar garoobeen doorashooyinka dadban ee dalka laga qabanayo, taasoo ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed ee dalka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin baqdin ay ka qabaan ka qeyb-galka doorashaooyinka, isaga oo ka jawaabayay Warar soo baxayay oo sheegay in markii lagu dhawaaqay in doorashada waqtigeeda ay ku dhaceyso ay Siyaasiyiinta mucaaradka walwal ka muujiyeen ka qeyb-galka doorashada una diyaarsaneyn.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Xasan Sheekh in doorashada lagu heshiiyay mid ka weyn ay dhankooda u diyaar garoobeen, isaga oo ka digay in la fashiliyo qabsoomida doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada.

Hadalka Madaxweynihii hore ayaa kusoo beegmaya kadib kolkii la sameyn waayey in la dhaqan geliyo qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey sida ay ku qoreen jadwalka.