Madaxweynaha Mamulka Galmudug oo Ka Digey Colaadaha Ka Jira Deeganada Maamulkiisa

0
73

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadiisa aysan aqbali doonin colaad iyo qalalaase ka dhaca deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyey furitaanka Jaamacad laga hirgaliyay magaalada Guriceel ayuu sheegay iney diirada saari doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen wax walba oo ka imaanaya Al-Shabaab.

Axmed Qoorqoor wuxuu sidoo kale sheegay in dadka reer Galmudug lagu xanto iney colaad ka jirto deegaanadooda, balse aysan taasi aqbali doonin.

Al-Shabaab ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka sameeyaan Galmudug, sidaas darteed maamulka uu hogaamiyo Axmed Qoor-Qoor waxey isha ku hayaan iney taxadar u yeeshaan halista ka imaan karta kooxdaan.