
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa ay shir Xasaasi ah ka yeelanayaan Warbixin Soomaaliya laga gudbiyay, taasi oo xanbaarsan xog Culus oo Soomaaliya ay ka aruuriyeen Khubaro sare.
Waxaa lagu ballansan yahay Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 15-10-2020-ka in la dhagaysto xogta loo gudbiyay Qaranmada Midoobay, waxaana Xogta ka mid ah isku Milanka Al-shabaab iyo hay’adaha dowladda, iyadoo xogtaan lagu sheegay in Al-shabaab ay lacag farabadan ay ka arruursadaan Ganacsatada Soomaaliyeed.
Waxaana Khubarada warbixintaan diyaariyay uu fadhigoodu yahay Magaalaad Nairobi ee Caasimadda Kenya, waxana tirada Khubarada warxintaan diyaariyay tiradoooda lagu sheegay in ay tahay Lix Khabiir, kuwaas oo waajibadkoodu yahay in ay dabagal ku sameeyaan isku dhexmilanka Al-shabaab iyo Nidamka Maaliyadeed ee Soomaaliya.
Warbxinta oo ah mid dhinacyo badan taabanaysa ayaa waxaa lagu xusay in Al-shabaab ay leeyihiin Ganacsiyo waaweyn iyo Maalgashiyo ballaaran oo Al-shaabaab ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya, waxaana warbixinta lagu sheegay in Al-shabaab ay Bangiyada dalka ay lacago dhigtaan, taasi oo marka ay doonaan ay kala baxaan, waxana sidoo kale la xusay in Al-shabaab ay maalgashtaan Ganacsiyo maxali ah oo ka shaqeeya Gudaha dalka.