
Weerar geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa gelinkii dambe ee shaley waxaa uu ka dhacay wadada xiriirisa degmada Afgooye iyo degmada Walanweyn ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose,.
Weerarka ayaa yimid, kaddib markii Xubno la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Gaadiid ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Dowladda, xilli ay marayeen meel ku dhow degaanka Buulalow ee degmada Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan.
Goobjoogayaal halkaasi ku sugnaa ayaa waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay ku dhinteen askar farabadan iyo Saraakiil, waxaana Ciidamada ku dhintay kamid ahaa Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale oo kamid ahaa Ciidamada la weeraray.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada la weeraray dagaalka, kadib socdaalkoodii iska sii wateen, isla markaana ay tageen Saldhig ay ku leeyihiin Degaanka Warmaxan ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.