Xildhibaan Xaaji Cali oo Baaq u Direy Maamulka Degmada Walaweyn iyo Ganacsatada

0
202

Xildhibaan Xaaji Cali oo deegaan doorashadiisu tahay Degmada Walaweyn ayaa baaq ku wajahan fatahaado qasaaro dhaliyey oo ka dhacay deegaanadaas u direy Maamulka Degmada Walaweyn iyo Ganacsatada.

Xildhibaanka ayaa bartiissa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadalayo fatahaad qasaaro badan dhalisay oo shalay ka dhacdey Degmada Walaweyn, Biyahan kusoo fatahay degmada ayaa waxaa ay jebiyeen Buundo ku tiiley deegaanka Warmaxan taasoo sababtey in ay gebi ahaanba xeranto wadada isku xirta dhamaan gobolada koonfur galbeeed iyo weliba gobolka Gedo.

Xildhibaanka aya baaq u direy maamulka degmada Walaweyn iyo ganacsatada wuxuuna ugu baaqay inay is garab istaagaan isla markaana ay kawada shaqeeyaan in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhisobuundada duntey.