
Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA, ayaa sheegtay in ay gacan ku dhigtay 79, Tan oo maadada “Sulfuric Acid” oo ah maadooyinka qaraxyada laga sameeyo & Shakhsiyaadkii dalka soo galiyey, una gudbinayey ururka Al-shabaab.
Hay’adda NISA qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka waxay ku sheegtay in ay wajihi doonaan Sharciga dadka dalka soo galiyay maadadan oo ah waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada lagu farsameeyo gudaha dalka.
