Dowlada oo Ciidamo Geystay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo

0
116

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay degaannada dhaca Xadka Kenya Iyo Somaliya gaar ahaan Degmooyinka Balad-Xaawo Iyo Mandheera, kadib farriin hanjabaad ah oo shalay ka timid dowladda Kenya.

Deegaannada Ciidamada la geeyay ayaa waxaa horay ugu sugnaa Ciidamada Dowladda ay geysay gobolka Gedo ee dagaalka la galay Wasiirka Amniga Jubbaland, balse ciidamo kale oo horleh oo wata Hubka noocyadiisa kala duwan lagu kordhiyay.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke iyo qaar ka mid ah, Saraakiisha Ciidamada Guutada 12aad Qeybta 43aad Ee Degmada Balad-Xaawo ayaa halkaasi geeyey Ciidamada.

Taliyaha Ciidamada Xasilinta Gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo Ciidamada la hadlay ayaa faray inay dardar geliyaan howlaha sugida Amniga dhinaca Xaduudka, halkaas oo dhawaan sidoo kale ay isku rasaaseeyeen Ciidamada Dowladda & kuwa Kenya.