
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhiga Booliska degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan & Hoyga guddoomiyaha degmadaas, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in Al-Shabaab ay miinooyin geliyeen Hoygiisa oo ku yaalla degmada Jalalaqsi,basale uu isaga ka maqnaay.
Waxaa uu sheegay in Guriga ay ku sugnaayeen saddex Carruur ah uu uu dhalay, balse aysan waxba ku gaarin miinooyinka lagana soo badbaadiyay.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammanaka degmada Jalalaqsi ay ka hortageen weerarka ay degmada kusoo qaadeen Al-Shabaab, khasaarana garsiiyeen wallow uusan shaacin inta uu la egyahay.