
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhow soo gaaray Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud.
Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Waa markii ugu horreysay oo uu Muqdisho yimaado tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland.