
Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Xaliimo Yareey ayaa goor dhow gaartay xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacayo kulanka xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Guddoomiye Xaliimo Yarey ayaa qeyb ka ah xubnaha uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo oo maanta warbixin u jeedin doono xildhibaanada Golaha Shacabka, taas oo la xiriirta xaaladda dalka,gaar ahaan doorashada.
Sidoo kale kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu goor dhow ku biiro Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu baarlamaanka uu ka dalban doono muddo kordhin ku aadan xilliga uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare.