Maxkamada Ciidamada Qalabka-sida oo Xukun Dil ah Ku Ridey Dable Cabdirahman Cabdulle

0
134

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun Maanta ku ridey Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda, kaasoo loo heysto in uu dad Shacab ah u geystay dil iyo dhaawac.

Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019 Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan 27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah oo ah qisaaasta Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.