Kulanka Wadatashida Puntland oo Ka Furmey Magalada Garoowe

0
71

In ka badan 1,500 ergo ah ayaa kasoo qeyb galay shirka wadatshiga Puntland oo goor dhowayd ka furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Ergada shirka wadatashiga Puntland ayaa lagula taliyay in aanay is gacan qaadin sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Puntland, oo shirka ka jeedisay warbixin ku saabsanayd xaaladihii ugu dambeysay ee cudurka Coranavirus.

Waxaa goobta shirka ka muuqatay feejignaan sare oo xagga caafimaadka ah, iyadoo la marayay tilaabooyin waajib ah, sida in qofku gacmaha iska mayro ka hor inta uusan hoolka shirka gelin. Waxaa sidoo kale Puntland madasha ku diyaarisay shaqaalaha gurmadka degdega iyo gaadiidka ambalaasta.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada, ayaa sheegay in shirkaan looga tashan doono aayaha iyo masiirka Puntland.