Xaalada Magalada Beledxaawo oo Weli Cakiran

0
74

Wararka inaga soo gaaraya magalada beledxaawo ee gobolka gedo ayaa sheegaya in deegaanada ku dhow magalada beledxaawo laga dareemayo dhaqadhaqaad milateri o ay sameynayaan ciidamada muulka jubaland.

Qaar ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka gedo ayaa waxa lagu dhex arkayaa ciidamo aad u fara badan oo dhex maraya, wararku ayaa intaa waxa ay ku darayaan in maanta maamulka Jubbaland ay ciidamo horleh ay geeyeen magaalada Dhoobleey e gobolka Jubbada Hoose.

Arintan ayaa ku soo aadaysa xilli ay jirto xiisad u dhexeysa Dawladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland ee gobolka Gedo, kaasoo ku bilowday khilaaf soo kala dhexgalay madaxda dawlada dhexe iyo kuwa Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa doonaya inuu dagaal rogaal celis ah ku soo qaado magaalada Baladxaawo oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Federaalka.