Dhegeyso: Maamulka Degmada Xudur oo Amar Kusoo Rogey Shacabka iyo Ganacsatada

0
134

Kulan ay yeesheen mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka degmada ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaa laga soo saarey amaro kala duwan oo la xiriira dhinaca Amniga, kaasoo la farey dhamaan Shacabka ku nool degmadaas.

Guddoomiyaha Howlaha Guud & Guryeynta degmada Xudur Cabdirisaaq Isaaq Saajin ayaa sheegay in kulanka laga soo saarey in qof aan qaan gaarin uusan degmada dhexdeeda ku wadi karin Mooto Bajaajta oo aad uga Shaqeysa degmadaas.

Sidoo kale dhamaan Ganacsatada degmadaasi Xudur geeya dawooyinka iyo Cabitaanada ayaa waxaa la farey inay iska hubiyaan Tayada Dawooynka ay ka ganacsanayaan, isla markaana aysan iibin karin kuwa waqtigooda uu dhamaaday ee dhacay.