
Wasiirka dekadaha ee xukuumadda Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in heer gabagabo ah uu marayo qorshayaasha lagu dhisayo dekadaha Baraawe iyoHobyo, kuwaasi oo ay ballan qaaday dhismahooda dawladda Qadar.
Wasiir Maryan ayaa shaaca ka qaaday in daraasaada lagu sameynayo dekadaha Baraawe iyo Hobyo ay soo dhammestirmeen, dhawaana la bilaabi doono qorshayaasha lagu dhisayo.