Jedwalka Dorashada Maamulka Jubaland oo La Shaaciyey

0
73

Guddiga doorashada maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga jadwalka doorashada madaxtinimo ee Jubbaland oo qeexaya habka iyo xilliga doorashada.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday jadwalka xilli madaxweynaha musharraxa ah ee uu waqtiga kasii dhamaanayo ee Jubaland Axmed Madoobe uu maanta dib ugu laabtey magaalada Kismaayo.

Sida ku cad jadwalka, soo xulista iyo soo gudbinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka ayaa bilaaban doonta inta u dhaxeysa 16 July illaa 6 bisha Agosto ee soo socota.