Maxaa kala Socotaa Mooshinka Shariif Xasan uu La Damacsan Yahay Maamulka Farmaajo u Magacaabay Koonfur Galbeed

0
98

Waxaa Muddooyinkii ugu danbeeyey magalada Istammbuul ee dalka Turkiga oo uu Fadhigiisu yahay Hogaamiyihii lagu hungoobey ee Shariif Xasan Sheekh Adan oo ku magac dheer Shariif Sakiin ka socdey dhaqdhaqaaqyo uu ku abaabulayo Mooshin sida Duufaanka ugu harqinaayo Shaqsiga Baydhabo ugu magacaaban Farmaajo ee Laftagareen.

Xubnaha ugu cadcad ee uu rabo in uu u adeegsado mooshinka oo xiligan ku sogan magalada Istambuul ee dalka Tuirkiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Xasan Eelaay, Wasiirkii hore ee Maaliyadda C/raxmaan Satte, Wasiirkii hore Boostada iyo isgaarsiinta Cartan Bidaar, Wasiiradii hore Howlaha Guud Fatxi Baxuur, Wasiirkii hore ee Gaadiidka C/laahi Black, Wasiir Dowlihii Arrimaha Gudaha C/laahi Farey, Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Gudida Doorashada KGS Sheekh Abuukar, Xogayihii hore Gudiga Doorashada KGS Nuur Wacdaan iyo 30 xildhibaan oo ah dhamaantoon xildhibaanada maamulka koonfur galbeed.

Waxaa sidoo kale maalintii shalay aheyd Magaalada Nairobi soo gaaray Shariif Xasan isagoo durbadiiba halkaasi ka bilaabay Abaabul wuxuu sidoo kaloo abaabul noocaasi oo kale ah ka dhex wadaa magalada baydhabo halkaasii oo hoygii uu ku lahaa dayactir lagu sameynayo si halkaasi looga maamulo odoyaasha dhaqanka.

Waxaa sidoo kale xubno Xildhibaano ah oo Shariif Xasan taageersan abaabul kawadaan Magaalada Muqdisho, iyadoo la filaayo in 20-ka Juun uu mooshinkaan Baarlamaanka Koonfur Galbeed qaban doono Gudoomiye C/qaadir Shariif Sheekhunaa.

Maamulka loo dooray koonfur galbeed ayaa waxaa haysata caqabad dhaqaalo xumo ah taasoo sahli karta in mooshinka uu noqdo mid sii xoogeysta, Qaar ka tirsan xildhibaanada oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegay in wax mushaar ah aysan helin bilihii lasoo dhaafay lacagna ay ugu dambeysay xiligii ay qaateen laaluushkii 20.000 ahaa.