
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay shirka kalluumaysatada Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb-galeen Wasiirada Wasaaraddaha Kaluumaysiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS.
Shirkan oo ay maal galiyeen Ganacsato reer Puntland ah ayaa waxaa lagu dhiiri galinayey ganacsiga kalluumaysiga iyo kalluumaysatada Soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Africa loona baahan yahay in laga faa’iideysto khayraadka ku jira.
Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa ganacsatada Puntland ku dhiiri galiyey horumarkan ay ka sameeyeen Kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayay ganacsatada oo shirkaan door muhiim ah ku lahaa qabsoomiddiisa ayaa ku ammaanay habkay isu taageerayaan, waxaa uu sheegay in horumarkoodu uu ku jiro hadba siday isu gacan-qabtaan, taas oo guud ahaan ganacsigoodu ku xiran yahay.