
Tan iyo jimcihii lasoo dhaacay waxaa cabsi weyn soo food saartay muslimiinta ku nool wadamada Reer Galbeed kadib kolkii in ka badan 50 Ruux oo masaajid ku cibaadeysanaayey lagu laayey magalada Christchurch ee Dalka New Zealand.
Idaacada VOA ayaa waxaa ay la hadashay qaar ka tirsan Iimaamada masjidyada Toronto iyo weliba dadka ku nool magalada Toronto ayagoo wax ka weydiiyey dareenkooda ku aadan falalkaas waxashnimada ahaa ee ka dhacay magalada Christchurch ee dalka New Zealand.