Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo Xariga Ka Wada Jaray safarada Jabuuti

0
91

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa Maanta si wadajir ah xariga uga jarey Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay Magalada Muqdisho taas oo laba sana ka hor la dhigax-dhigay.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Intii ay munaasabada socotay ayaa waxaa Goobta Heeso Wadani ah kusoo bandhigay Fanaaniinta ka mid ahaa wafdiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ee Xasan Aadan Samatar, Axmed Cali Cigaal iyo Cawaale Aadan Daahiye.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa furitaan safaada kadib lagu wadaa in uu u kicitamo magalada Beledweyne halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo u dhashay Dalka Jabuuti oo ka tirsan Amisom.