
Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu ka jeediyey Khudbad Kulankii Golaha Wasiirada ay Maanta ku Yeesheen Magaalada Dhuuso mareeb Ee Caasimada Galmudug.
Sheekh Shaakir waxa uu faah faahiyey Caqabadaha ay Galmudug wajahday Tan iyo markii Heshiiskii Ahlusuna lagu bur buriyey Ee Galmudug Midowday Aheyd.
Waxa uu Madaxa Xukuumada Galmudug sheegay in Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Dawlad Gobolleedyada kaga fadhiyaan midowgaasi Ahlusunadii hore Ee Gobollada Dhexe iyo Galmudug aan la kala dhex gelin Colaadna laga dhex abuurin.