
Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu horay u jiray Mad madow soo kala dhexgalay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, hayeeshee tan iyo wixii ka dambeeyey Xafladii Garoowe uu socday wadahadalo lagu xalinaayey.
Waxa uu sheegay in safarkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku tagay Kismaayo lagu dhameeyey khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland,isla markaana wax walba si hoose xal looga gaaray.