
Qaar ka mid ah askarta jidgooyada dhigta wadoyinka isku xira Afgooye iyo Baraawawe, Afgooye iyo Walaweyn oo la hadley maalintii shaley idaacada Kulmiye ayaa ka cabanaayey mishaar la,aan, Askartan ayaa waxaa ay sheegeen in 4tii bilood lasoo dhaafay aysan helin wax mushaar ah amaba wax raashin ah.
Askartan la hadashay idaacada Kulmiye ayaa sheegay in ay ku sugan yihiin Wadooyinka isku xera degmada afgooye ilaa iyo walaweyn halka dhanka kalana ay kagu sugan yihiin Afgooye ilaa Baraawe halkaaso oo ay ka dhacaan jidgooyinka ugu badan ee lagu furto shacabka isticmaala wadadaas.
Dhowr jeer oo hore ayey idaacaha ka howl gala magalada muqdisho dad la hadley sheegeen in wadada laga mari la,yahay ciidamo ku labisan dareyska dowlada balse waxaa nasiib daro ah in kuwii jidka laga mari weysanaa ay maanta ku hanjabayaan inay kasoo baxayaan jidadkaas haddii mishaar nala siin waayo.