Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo Maanta Furay Kulan Looga Hadlaayo Dhismaha Wadooyinka

0
90

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Dowlada Federaalka Somalliya Cabdi Aadan Hoosow ayaa maanta Shir gudoomiyey Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan dhismaha Wadooyinka isku xira Gobolada Dalka (Regional Corridors) oo socon doona muddo saddex Maalmood ah.

Kulankani ayaa Waxaa kasoo qayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaacii, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika & Midowga Yurub.

Shirkan ayaa looga wada hadli doonaa inta uu socdo dib u dhiska wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka ee bur buray & Dhismaha Wadooyin cusub oo hor leh taasoo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha dalka & Isku socodka Bulshada.

Cabdi Aadan Hoosow ayaa xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda Hawlaha Guud isla markaana dhamaan xubnaha kasoo qeyb galey looga baahan yahay in ay isla wada xaliiyaan dhibaatooyinka kulanka looga hadli doono.