
Magalada Kampala ee dalka Uganda ayaa maanta waxaa ka furmay shir looga hadlayo horumarinta iyo kobcinta Dhaqaalaha Qaarada Afrika, ee (Afrika Now), waxaana shirkaas Soomaaliya u matalaya Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Shirka oo socon doona mudo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergo Kumanaan ah, Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Uganda Yuweri Museveni.
Furitaanka shirka ayaa marka hore waxaa loogu baroordiiqay dadkii ku geeriytooday shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxa uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaas, isaga oo kala hadli doono sidii taageero loo siin lahaa dowladda Federaalka Soomalaiya.