
Shir madaxeedkii 32-aad ee hogaamiyayaasha qaaradda Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika.
Arimaha ugu waaweyn ee shirkaasi looga hadlaya ayaa waxaaka md ah Qaxootiga iyo dadka gudaha dalkooda ku barakacay iyo weliba dhinaca nabadgelyada kaasi oo doood dheer ay uga yeelan doonaan madaxda inta uu shirka socdo.
In kabadan Afartan dal oo African ah madaxdooda ayaa ka qeeyb galayaa shirka oo diiradda lagu saari doono dhibaatada qaxootiga ee qaaradda Africa.
Sidoo kale waxaa lagu lafa guri doonaa dagaallada sokeeye ee ka taagan dalalka Suudaanta Koonfureed, Jamhuriyadda Afrikada dhexe, Soomaaliya iyo Nigeria oo ay malaayin qof ku barakeceen.
Hogaamiyeyaasha ayaa sidoo kale ka wada xaajoonaya dadaallada isdhexgalka ganacsiga Africa iyadoo sannadkii hore ay saxiixeen ganacsiga xorta ah ee Africa kaas oo shabahaya kan Midowga Yurub.