Shabaab oo Howl dowlada qaban weyday mar kale maanta u qabatay Shacabka.

0
142

Gawaari dhuxul sida oo hada ku gubanaya duleedka Muqdisho Degaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in goordhaw dab lagu qabadsiiyay laba gaari oo dhuxul waday kuwaas oo Ciidamada dowladda maanta ay ka soo galbiyeen degmada Wanla-wayn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale waxaa toogasho lagu dilay 3 qof oo gaariga saarnaa, waxaana ku jira wadihii gaariga. Maamulka Gobolka ayaa sheegay in falkaan ay ka dambeeyaan Al-shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka ee Arimaha Bulshada ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Carabeey ayaa maanta ka badbaaday weerar wado gal ah oo lagu qaaday isagoo maraya duleedka Ceelasha Biyaha sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Gobolka.

Muddo ka yar 20 cesho ayey noqoneysaa in Shabeelaha Hoose lagu gubo 14 gaari oo xamuul ah, sidoo kale Shabeelaha Dhexe ayaa habeenno ka hor lagu gubay 1 gaari oo dhuxul siday.

Al-shabaab ayaa weeraro badan ka fuliya degaanada ku yaala duleedka Muqdisho, Ciidamada dowladda, Shaqaalaha dowladda iyo hey’adaha dalka ku sugan ayaan dhaafi karin Ex control afgooye ilaa sarkuusta, wixii halkaas ka dambeeya waxaa lagala kulmaa qaraxyo iyo weeraro waqtiyada qaar ah.

Sidoo kale dhinaca Xeebta ee Jaziira ayey u muuqataa in dowladda ay ka go’day maadaama ay mudo 60 cesho ku weysay 4 Sarkaal oo qubarro ah.

Al-shabaab wali kama hadlin arintaan iyo falalkii ka sii horreeyay.