Dhegeyso Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Shabelaha Hoose oo Ka Hadley Gawaari Ay Alshabab Ku Gudtey Duleedka Degmada Afgooye

0
122

Wararka ka imanaya degmada afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in gaadiid xamuulka qaada lagu gubay deegaanka Doonka oo ka tirsan degmada afgooye.

Al-shabaab ayaa horay u mamnuucay in deegaannada ay maamulaan dhuxul laga shido dhirta, taasoo keenay ayaa la leeyahay ay gubaan dhuxushii saarneyd gaadiidka xamuulka ah ee ku safrayay gobolka Shabeellaha hoose.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidka qaarkood la gubay habeennimadii xalay halka kuwa kalana la gubay galinkii danbe ee maalintii shalay.