Shirka Shidaalka Somaliya oo Maanta Lagu Wado Inuu Ka Furmo Magalada London

0
144

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada London uu ka furmo shirka looga hadlayo shidaalka Soomaaliya, oo maalmihii ugu danbeeyay hadal heyntiisu ku badneyd baraha bulshada iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Magaalada London waxaa gaaray oo ku sugan kana qeyb galaya shirka maanta furmaya Wasiirka Batroolka dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, Agaasimaha Wasaarradda, iyo mas’uuliyiin ka kala socda dowlad gobolleedyada dalka.

Shirkan oo muran badan uu ka dhashay ayeey siyaasiyiinta mucaaradku sheegeen in uu yahay mid lagu xaraashayo sida ay hadalka u dhigay kheyraadka Soomaaliya, hasse ahaatee waxaa arintaa beenisay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Sooomaaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London na lagu soo bandhigi doono.

Dhanka kale shirkadda Spectrum oo ah shirkad qayb ka ah shirka London ayaa sheegtay in shirka London lagu soo bandhigi doono aagagga cusub ee ku soo kordhay sahminta shidaalka Soomaaliya.