Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo Ka Hadley Weeraro Ay Ka Fuliyeen Gobolka Sh Hoose

0
133

War ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa lagu faah faahiyay howlgal ka dhan Alshabaab,kaasi oo ka dhacay 5-dii bishan Koonfurta Soomaaliya, waxaana Mareykanka uu sheegay in uu Al-shabaab gaarsiiyay Khasaare.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamada oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay bartilmaameedsadeen degaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, islamarkaana lagu burburiyay gaadiid iyo goobo muhiim ah oo ay lahaayeen Al-shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay kordhiyeen duqeymaha ay la beegsanayaan saldhigyada Shabaab ay ku leeyihiin Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.