
Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynihii hore ee dowlada federaalka somaliya isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka ka socda Hassan Sheikh Mohamud ayaa goor dhow gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiga ayaa casuumaad ka helay bulshada ku dhaqan Baladweyne ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tiran golaha fulinta ee xisbiga, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ugu jira xisbiga UPD iyo mas’uuliyiin kale.
Qaar ka mid ah waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan sheekh ayaa safaro ku maraya beryahan dambe qaar ka mid ah gobolda dalka isagoo halkaasi u tegay si uu u iib geeyo siyaasada xisbiga uu asaga gudoomiyaha ka yahay si ay u helaan tiro aad u badan kolka la gaaro doorashada 2020 ayagoo loolan siyaasadeed kula jira xisbiyo kale oo ka diiwaan gashan dalka.