Qeylo Dhaanta Beelaha Digil Ma Mid Sax ah Baa

0
210

Xili walba kolka la gaaro in la qeysado xilalka ay leeyihiin beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa aad usoo bata qeylo dhaan badan oo ka timaada siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka beelaha digil.

Odayaasha iyo Siyaasiyintan ayaa waxaa ay inta badan beelaha Mirifle ku eedeeyaan in ay sadbursi ku hayaan beelaha Digil ayagoo inta badan tusaale ahaan usoo qaata qaladaad badan oo ay marqaati ka ahaayeen markii ay dhacayeen isla markaana aysan jirin cid ka hadashay xiliga qaladaadkaasi dhacayeen.

Inta badan kuwa isku tilaamaya iney matalaan beelaha Digil ayaa ah kuwo ku matala magaca beelaha Digil iney ku fushadaan dantooda gaarka ah taasi oo keentey in qaladaad badan oo dhacay in ay ka aamusaan si markaasi ay u fushadaan danta ay leeyihiin.

Hada si aad u ogaato waxa jira jug sii qoraal aan horey uga qornay oo ku saabsan qeylo dhaanta beenta ah ee maalmahan dambe socota Digilow Inta Aadan Mirifle Xisaab ugu Tagin is Xisaabi