
Madaxweynaha dowlada federaallka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo nabadeynta ee xafiiska xoghayaha Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda Qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in door hoggaamineed ay ka qaadanayaan jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda lagu caawinayo iyo in Qaramada Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.
Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxaa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhan yahay.