
Wararka aynu ka helyno magalada baydhaba ayaa sheegaya ayaa sheegaya in ilaa saddex musharax oo maanta ka qeybgali lahaa doorashada mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka loo diiday in ay gallaan goobta doorashada.
Wariye ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ilaa Afar musharax oo lagu waday in ay ka qeybgalaan doorashadan saddex ka mid ah loo diiday in ay gudaha u gallaan hoolka doorashada, kaddib markii ay sida ay hadalka u dhigeen cadaadis kala kulmeen guddiga madax-bannaan ee doorashada heer Qaran.
Musharixiinta leyska hortaagay in ay ka qeybgallaan doorashada ayaa kala ah Isaaq Khaliif Sheekh, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur iyo Xasan Macallim Ibraahim
Kaliya waxaa hadda ku sugan hoolka ay doorashadu ka dhaceyso Cabdullaahi Sheekh Maxamed Bakistaan oo ergada wax dooraneysa ka codsaday in ay codkooda siiyaan.