Maddaxweyne Farmaajo oo Maanta Garoowe Kulan Kula Qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada

0
86

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan wadatsshi ah kula qaatay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland madaxda maamul gobolleedyada.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku martiqaaday madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul gobolleedyada kulan quraac ah oo dhinaca kale la sheegay in lagu lafaguray arrimaha siyaasada dalka gaar ahaan sidii loo hagaajin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada.

Kulanka saakay ayaa waxaa ka qeybgalay dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada, iyadoo la filayo marka uu kulanka soo dhamaado in laga soo saaro war murtiyeed.

Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland islamarkaana hadda ah xildhibaan ka tirsan Aqalka sare Cabdiraxmaan Faroole oo ka qeyb galay kulanka quraacda ah ayaa khudbadiisii xalay ku dalbaday in deg deg loo dhameeyo khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada dalka iyada oo la tixraacayo Dastuurka iyo Sharciga.