
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabad loo qabtay xiritaanka Kalfaggii Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Goluhu u dhisneyn is hortaaga howlaha xukuumadda.
Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in Golaha Shacabku yahay hay’ad u taagan oo kaliya dajinta sharciyada iyo la xisaabtanka xukuumadda.
Xiritaanka Kalfadhigga Afaraad ee Golaha Shacabka ayaa imanaya xili maalintii shalay xildhibaannadu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen xeerka wax ka badalka maamulka Bangiga dhexe.
Khudbada gudoomiyaha baarlamaanka ayaad moodaan inuu jawaab ka bixinaayo eedeymo kaga yimid qaar ka tirsan xildhibaanada dowlada federaalka iyo qaar ka tirsan shacabka somaliyeed oo walaac ka muujiyey wax ka bedelida sharciga hanti dhowrka guuud.