
Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Kulankan ayaa waxaa soo xaadiray 176 xildhibaan, 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.
Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Go,aanka uu maanta qaatay baarlamaanka ayaa wax ka bedeli doona qofka loo magacaabi karo in uu noqdo hogaanka hanti dhowrka guud ee qaranka.