Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed oo Ku Tilmaamay Qiyaano Qarax Sharcigii Maanta La Meel Mariyey

0
112

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku sheegay wax ka badalka Xeerka Bankiga Dhexe Qiyaano Qaran .

Waxaa uu sheegay in maanta Xildhibaanada ay qaadeen tilaabo aan ku wanaagsaneyn ilaalinta Sharciga iyo xaqa umadda Soomaaliyeed.

” Waxaan idiin sheegayaa in Xeerkaan uu yahay mid aan sax ahayn mana ahayn in Guddoonka Golaha Shacabka uu qabto oo uu horkeeno Golaha Shacabka ee Baarlamaanka “ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi.

Wax ka bedelida sharciga ayaa waxaa uu imanayaa kadib kaloo maalmahan dambe la hadal hayey in gudoomiyaha bangiga dhexe loo dhiibi doono nin ajnabi ah oo u dhashay dalka ingiriiska.