
Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Ku-xigeenka Cusub Axmed Garaash ayaa maanta Xilalka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne Ku-xigeenkiisii C/xakiim Xaaji Cumar Camey, ka dib Munaasabad Kooban ay maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Garoowe.
Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka soo qeyb galay golaha baarlamaanka maamulka puntland iyo weliba qaar ka tirsan saaraakiisha ciidamada maamulka punrland.

