
Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray digreeto lagu joojinayo cashuur dhaafkii iyo cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda, kuwa caalamiga ah iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay.
Wasaaradda maaliyadda ayaa lagu amray ,iyadoo la ogeysiiyay xisaabiyaha guud ee Puntland,guddoomiyaha hanti dhowraha guud, wasaaradaha,ha’adaha gaarka loo leeyahay iyo madaxweyne ku-xigeenka.
