
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa waxa uu ka hadlay Arimo Badan oo ku saabsan qaabka dowlada somaaliyeed looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.
Shir jaraa’id uu maanta ku qabtay Wasiir Beyle Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka warbixiyey meesha ay marayaan Deyn Cafinta Soomaaliya,Canshuurta La bixiyo Ee Shacabka ugu baaqay iyo Soo Daabacida Lacagta Cusub.