Ciidanka Boliska Magalada Baydhaba oo Is Hortaag Ku Sameeyey Siminaar Ay Qaban Lahaayeen Xisbiga UPD

0
124

Wararka aynu ka heleyno magaalada Baydbabo ayaa sheegaya in ciidamada boliiska maamulka koonfur Galbeed is hortaag ku sameeyeen kulan Siminaar ah oo halkaa uu ku qaban lahaa Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka sare islamarkaana ah guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ayaa khudbad ka jeedin lahaa kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo.

Tallaabadan lagu baajiyay kulanka uu qaban qaabinayay Xisbiga ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Baydhabo ka dhacdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed loo magacaabay C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca gudddoomiyaha Xisbiga UPD Xassan Sheekh Maxamuud oo la xiriira is hortaaga lagu sameeyay kulanka uu Xisbiga ku qabsan lahaa magaalada Baydhabo.

Ma aha markii ugu horeysay ee is hortaag lagu sameeyo siminaarada ay sameynayaa xisbiyada ka jirta dalka Dhawaan ayeey aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay joojiyeen kulamo iyo siminaar uu Muqdisho ku qaban lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo C/raxmaan C/shakuur Warsame.