Gudoomiyaha Bengiga Dhexe ee Somaliya oo Loo Magacaabi Rabo Nin u Dhashay Dalka Ingiriiska

0
120

Dowladda Soomaaliya ayaa Bishii August ee sanadkii 2018-kii shaacisay in jagada Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay banaan tahay una tartami karaan Soomaali iyo Ajaanib.

Ku dhawaad 150 ruux ayaa soo codsaday jagadaasi, waxaana kamid ah ajaanib doonaya in ay xilkaasi qabtaan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in nin Ajnabi ah kana mid ah saddexdii qof ee ka midka ahayd 7-dii qof ee ugu dambeyn isu timid.

Ninka jagadaasi in uu buuxiyo ku guuleystay ayaa la sheegaya in lagu magacaabo Nigel Roberts, waxaa uu u dhashay dalka UK, waxaa uu sanadkii 1981-dii ku biiray Bangiga Adduunka, waxaa uu ka shaqeynayay qaybta Dhaqaalaha Beeraha (Agricultural Economist).

Waxaa uu la taliye Bangiga adduunka uga noqday arrimaha Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Myanmar, Falastiin, Lebonan.