
Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn Soomaaliya dhinaca kalana ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu ballaaran marka la eego Geeska Africa, ayaa waxaa xalay qabsaday dab aad u weyn oo looga soo gurmaday damintiisa qeybaha ay ka kooban tahay Muqdisho.
Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda iyo Joodariyaasha ayaa markiiba ku fiday qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan.
Qaar ka tirsan dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in dabka uu isku fidiyey laga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa laga soo gaaro qeybta kale ee lagu iibiyo maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaa oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa dabka.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo.