Ciidamada Amniga oo Xabsiga Dhigay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Boliiska

0
105

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan Muuqaal laga soo duubay xilli uu qof haween ah Aflagaadeynaayay.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la xiray sarkaalka, islamarkaana hadda ay ku socdaan baaritaano.

Sarkaalka la xiray ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaa uu ka soo muuqday muuqaal la soo geliyay baraha bulshada, isaga oo gacan ka hadal dhex maraya gabar, iyadoo gabadhaas la sheegay inay aheyd xaaskiisa hore.

Inta badan qaar ka tirsan ciidamada dalka somaliya ayaa waxaa ay si qaldan u isticmaalaan awooda dharka aya xiran yihiin taas ayaana keeneysa in qaladaadka uu sarkaalkan sameeyey oo kale dhamacaan mar walba.